AKHRISO: Howlgalka AMISOM Muxuu U Qabtay Dadka Iyo Dalka Soomaaliyeed?..

Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Ururka Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in go’aan kama dambeys ah laga gaaray bixitaanka ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya Ilo wareedyo ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dowladaha bixiya qarashka AMISOM ay Midowga Afrika cadaadis ku saarayaan in si degdeg ah loo dhimo ciidamada ku sugan Soomaaliya

Arintas ayaa micno ahaan si dhiiri galiyo dhisida ciidan ay leedahay Dawlada Faderaalku oo ka shaqeeya amniga iyo la dagaalanka kooxda alshabaab.

Waxaa cashar fiican laga bartay siday shacabka iyo ciidanka maamulka puntland u jabiyeen dagaal yahanada alshabaab ee ku duulay degaanka puntland.

Falanqayn tayda waxaan farta ku fiiqayaa in Dawlada Faderaalku heli doonto ciidamo buuxiya magaalooyinka iyo degmooyinada ay isaga baxaan ciidamada.

AMISOM Shacabka soomaaliyeed waxay u bislaadeen teegeerida in dawlad lawada leeyahay laguna ilaashado madax banaanida shacabka soomaaliyeed ee xorta ah.

Waxaa lagaaray waqtigii ay shacabka soomaaliyeed kala garteen waxa dalka iyo dadka u wanaagsen. Inay tahay Dawlad ku shaqaysa cadaalad leh midnimo iyo wadaniyad aqoon ku dhisan.

Howlagalka AMISOM ayaa dhowr jeer si qaldan u istcmaalay kaalmo military iyo saanad military oo loogu talagay in lagu xoojiyo dagaalka Al shabaaab waxaana ay qaataan mushaar aad u badan marka loo eego askariga soomaaliyeed ee aag ahaan ka horeeya kan shisheeye ee AMISOM.

Waxaa la xasuustaa tacadiyo kala duwan oo shacabka ay u geesteen kuwa la kulmo duqeymo ay guryahooda ku soo ridaan ciidamada AMISOM iyo dad shacab ah oo gawaaridooda qafilan ay ku jiireen.

Qore: Danjire Maxamed Caalim


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads