Amiirka Qatar oo aan ka qeyb galeyn shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Sacuudiga..

Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka mid aheyd Hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Al Dahraan ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Xiriirka dalalka Khaliijka ayaa aad u xumaaday, kaddib dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, iyagoo xayiraado kala duwan ku soo rogay, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada.

Wafdiga Qatar u matalaya shirkaas waxaa hoggaaminaya Wakiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Jaamacadda Carabta Saif bin Muqaddam al Buainain.

Inta badan 22 dal ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa shirkaas u matalaya Madax iyo Mas’uuliyiin heer dowladeed, hase ahaatee Amiirka Qatar ayaa ka qeyb galay shirkii u dambeeyay ee Jaamacadda Carabta ku yeesheen dalka Jordan.

Sheikh Tamim ayaa sabtidii dib ugu laabtay Doxa, kaddib markii uu safar ku aaday Mareykanka, oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Donald Trump.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel Al Jubeir ayaa khamiistii sheegay in xiisada Qatar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka aanay qeyb ka aheyn Ajandaha shirka Jaamacadda Carabta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com