Aqalka Sare oo ku dhagan Mid kamid ah Wasiirada Muhiimka ah ee Xukuumada Somalia…

Guddiga Cadaaladda arrimaha diinta iyo Owqaafta,Xuquuqul insaanka Haweenka iyo carruurta ayaa maanta kullan wadatashi ah la qaatay Wasiirka Cadadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji,waxaana Wasiirka Su’aalo laga weydiiyay waxqabadka Wasaaradda sanadkii la soo dhaafay.

Kullanka markuu soo gabagaboobay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyha Guddiga Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Owqaafta,Xuquuqul insaanka,Haweenka iyo carruurta Zam Zam Ibraahim Cali,waxayna sheegtay in Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu Guddiga warbixin ka siiyay arrimaha garsoorka,carruurta Agoonta ah ee Asluubta ay xanaaneeyaan iyo arrimo kale.

Waxay sheegtay Zam Zam Ibraahim Cali,waxa uu Wasiirka u sheegay wax badan ay ka fahmeen iyo howlaha Wasaaradda Cadaaladda u heyso Shacabka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in Guddiga Cadaaladda Aqalka sare ay kormeeraan Xabsiyada iyo Maxkamadaha si ay warbixin hufan uga helaan.

“Waxaan idinku casuumay inaad booqataan Xabsiyada,Garsoorka Maxkamadaha xeer ilaalinta si aad warbixin guud uga heshaan howlaha ka socda Xafiisyadaasi,’ ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Guddiga Joogtada ah ee Golah Aqalka sare ayaa waxay kullamo la qaataan Wasiirada iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka si ay u gutaan Waajibaadkooda dastuuriga ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com