China oo Internet Somaliya maraya siinaya Pakistan…

Dowladda Pakistan ayaa la filayaa in dhamaadka Sanadka 2019 ay hesho Internet xawaare sare leh,waxaana Internet-kaas dhimishiisa waadda Sharikad laga leeyahay dalka China.

Fiilada Internetka ee China ay u sameyneyso Pakistan waxaa ay mareysaa biyaha Waddamada Somaliya,Kenya iyo Jabuuti,waxaana iska kaashanaya sharikadda dhinaca Internet-ka ee China iyo sharikadda (Pakistan East Africa Cable Express.

Mashruucan waxaa Qandaraaska dhismihiisa qaadatay sharikadda Huawei Marine, waxaana maalgelinta bixineysa Sharikadda Tropic Science Co. Ltd.

Marka dhismahan uu dhamaado waxaa maamulka Internet-ka Pakistan la wareegeysa Sharikadda PCCW Global, ee fadhigeedu yahay Magaalada Hong Kong.

Marka mashruuca Internetka ee Pakistan uu dhamaado dadka Pakistan waxaa ay heli doonaan Internet xawaare sare leh oo la isku halleyn karo,kaas oo aad uga sarreeya midka hadda ay adeegsadaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads