Ciidamadii Itoobiya oo Gebi ahaan ka guuray Dhuusamareeb & Ciidamada Ahlu suna oo…

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si rasmi ah saldhigoodii ugu dambeeyey ee magaalada.

Qeybtii labaad ee ciidamadan oo ahaa kuwii ugu danbeeyay ayaa ka ruuqaansaday magaalada Dhuusamareeb, iyadoo inta badan ciidamadii Itoobiya ee muddo 10 sano ah ku sugnaa magaaladaasi ay dhowaan isaga baxeen halkaasi una gudbeen dalkooda Itoobiya.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ay sii mareen magaalada Guriceel, una gudbeen gobolka Hiiraan, waxaana saldhigii ay banneeyeen ayaa waxaa la wareegay ciidamada Ahlu sunna.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore uga baxay magaalada Ceelbuur oo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen, waxaana markaas kadib la wareegay ciidamada Alshabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads