Daawo Dhacdo Murugo Leh: Gabar Afar Jir Oo Waraabe Ka Dafay Dhabta Hooyadeed

Dhacdo murugo leh ayaa ka dhacday tuulada Dhaboora ee oo ka tirsan gobolka Maroodi Jeex ee maamulka Somaliland, kadib markii bahalka Waraabaha uu gabar afar sano jir ah oo hooyadeed la jiifta ka dafay dhabta hooyadeed, nasiib darase lagu guuldareystay in laga dhigo.

Dhacdadaan xannuunka badan ayaa waxaa si murugn leh ugu sheekeeyay awoowgeed oo dhacdadaan goob joog u ahaa isla markaana baacsaday waraabaha hase ahaatee gaari waayay, wuxuuna Awoowaha uu si murugo leh u xusay in gabadhiisa ay ku qeylineysay awoowo iga qabta, hase ahaatee lafaheeda iyo qeybo jirkeeda ka mid ah laga helay meel ka fog goobta uu ka dafay.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Bishii Maarso ayaa sidaan oo kale gabar lix jir aheyd uu isna deegaan aan ka fogeyn uu ka dafay kuna cunay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here