DAAWO: Wasiir Bayle oo Khudbad Cajiib ah ka jeediyey Dalka Maraykanka, Kana hadlay Xaalada dalka Somalia…

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. C.raxmaan Ducaalle Bayle oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

Dhinaca kale Wasiirka ayaa Khudbad dheer wuxuu ka jeediyey Jaamacada Harvard oo kamid ah kugu Caansan dalka Maraykanka, Wuxuuna ka hadlay Xaalada Soomaaliya, Horumarka ka jira , Fursadaha Maalgashi ee Banaan iyo Caqabadaha Horyaala, Waxaana sidoo kale wax laga waydiiyey Xaalada dalka.

“Soomaaliya hadda waxaa ka banaan fursado badan oo maalgashi kaas oo dhankasta ah runtii waxaa aan rabno ayaa ah in Maalgshi dhankasta ah lagu sameeyo Soomaaliya si-aanu u gaadhno meel sare” Ayuu yidhi Bayle.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay hannaan dhaqaale oo hufan,taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ee lagu leeyahay Soomaaliya laga fududeeyo in laga cafiyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com