DEG DEG: Maxkamada S/land oo Xabsi sanado ah ku xakuntay Naciima Abwaan Qorane.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa Maxkamada Somaliland ayaa xukun xabsi sanado ah ku riday Naciima Abwaan Qorane.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa xabsi gaaraya 3 sano ku xukuntay haweeneydan oo loo heystay arrimo ay ka mid yihiin: Hawlo Qaranka Somaliland ka dhan ah oo qofku ka sameeyo dalka dibediisa, kaasoo ku xusan Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta iyo Ceebeyn Qaran oo ku xusan Qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta.

Waxaa kaloo lagu soo eedeeyay Qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook-ga. kasoo la sheegay in lagu wiiqayo jirtaanka Somaliland, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.! Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay “cay iyo ceebayn ay u gaysatay Somaliland.