DEG DEG: Qarax Xoogan oo ka dhacay Gudaha Dalka itoobiya iyadoo dhimashada & dhaawaca…

Ugu yaraan 3 qof ayaa geeriyootay halka ay 50 qof oo kale ku dhaawacmeen kaddib markii Bam Gacmeed lagu tuuray goob Gaadiidka laga raaco oo ku taalla Magaalada Mooyaale.

Maamulka Oromada Mooyaale ayaa weerarkaas ku eedeeyay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxaana ay ku sheegeen in falkaasi uu ahaa mid naxdin leh.

Saraakiisha amaanka Oromada ee Mooyaale iyo Maamulka Magaaladaas ayaa sheegay in Ismaamulka Somalida Itoobiya uu ka dambeeyo weerarkaas.

Dhinaca Maamulka Somalida Itoobiya kama hadlin eedeynta loo soo jeediyay ee la xiriirta weerarka maanta lagu qaaday Magaalada Mooyaale.

Ciidamada Itoobiya ee dowladda Federaalka ah ayaa dhawaan 12 qof ku dilay degaankaas,waxaa ay sababtay in kumanaan Oromo ah ay u barakacaan dhinaca dalka Kenya.

Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa dhawaan booqday labada Ismaamul Goboleed,waxaana uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda islamarkaana iska illaawaan dagaalka u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here