DEG DEG: Shabaab oo weerar Culus ku qaaday Xero ay dagan yihiin Ciidamada kenya & kuwa Jubba-land….

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Shabaab, kaasi oo ka dhacay degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab ay weerareen Saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ka ku leeyihiin degaanka Qooqaani.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay dagaalkaasi inay si adag isaga caabiyeen ciidamada Jubbaland, maadaama dagaalka uu ahaa mid Xooggan oo Shabaab ay soo qaadeen.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaankaasi, islamarkaana meel Fagaaro ah ay kula hadleen Shacabka kunool degaankaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads