DEG DEG: Toogasho Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho…

Wararka inaga soo gaaraya degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in fiidnimadii caawa halkaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo si weyn looga garanayay aaggaasi.

Dilkan ayaa waxaa geystay Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa, waxayna ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay wiilka la dilay in halkaasi uu ku lahaa Studio, magaciisana waxaa lagu soo gaabiyay Halooyeelo.

Maamulka degmada Boondheere iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka soo qaadeen Meydka wiilkan.

Ciidamada ayaa caawa baaritaano ka wada xaafadaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxayna ku daba jiraan raggii falkan geystay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads