Dhageyso: C/weli Gaas”Lacagtii imaaraadka ee lagu qabtay Muqdisho waxaa ku laheyn 3.6-Milyan Dollar..”

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday lacagtii 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho,waxa uuna sheegay in $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah lacagtaas loo waday Ciidamada Puntland oo uu Imaaraadka tababaray.

Madaxweyne Abdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.

Shalay ayay aheyd markii Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland uu sheegay in marnaba aysan jirin cid u bedeli karta Imaaraadka Carabta,isla markana uu yahay dal wax badna u qabtay Maamulkooda.

1 COMMENT

  1. kkkkkkkkkkkkkk uus dhiil walee wadan aad xil ka heysaan xor noqon baroortiisa shalay waa layaabay war isku tashada oo canshuurta aad qaadaan ciidanka sii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here