Dhageyso: DFS oo si degdeg ah ciidamada ugala wareegeysa Dowlada Imaaraadka Xili Xariirka labada dal…

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay u mahad celinaayaan dowladda Imaaraadka Carabta Tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada Generaal Goordan.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxa ay walaac ka muujiyeen Ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta oo aan qaadan Amarka Madaxda Ciidamada Soomaalida laakiin ka amarqaata dowladda Imaaraadka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    Waa wax lagu farxo, hala eryo iyagana Xaaraanta. Dubey iyadaa dan ku qabta Somalida. Afar Hotel baa nooga furan, iyo dhowr haween ah oo Dahablayaal ku leh. hala yimaadaan Somaliya. Xoolana hadda lama geyo. suuq ha loo raadiyo xoolaha. Afrika ayaaba u baahan hilib.




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com