DHAGEYSO: Khilaafka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo xoogeystay…

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya BFS C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa Farriin uu u diray Xildhibaanada ku caddeeyay in maalinta berri ah Xildhibaanada golaha shacabka ay u fariisan doonaan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in xildhibaanada Bari Saddex Saac laga rabo xarunta Golaha Shacabka si ay uga doodaan Mooshinka Gudoomiye Jawaari ka dibna ay go’aan ka gaaraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sidoo kale fariinta ku sheegay in xildhibaan walbo laga doonayo in uu Xarunta golaha shacabka soo xaadiro.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xaqiijiyay in beri laga doodayo ka dibna go’aan laga gaarayo arrimaha mooshinka.

Xaaladda Golaha Shacabka ayaa u muuqata mid kasii dareysa maadaama aan wali xal laga gaarin Khilaafka Ka dhashay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari, Waxaana jira kulamo iska soo horjeeda oo labada dhinac ah ay yeelanaayeen maalmihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacaddihii lasoo dhaafay waday Kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Marxaladda uu galay Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here