Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Oo Si Kulul Uga Hadlay Qarixii Ka Dhacay Baraawe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixii shalay Galabay ku geeriyoodeen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo dalka looga lahaa sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sida aad ogtihiin Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa Al-Shabaab, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Degmada Baraawe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here