Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyey Pro,Jawaari kana soo muuqdayn…

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Munaasabad Casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee dhawaan is casilay  Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Munaasabadda Waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre  Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibarahim Muudeey, Guddoomiyaha K/Xigeenka 2aad Mahad Cabdala Cawad,Xildhibaannada labada Aqal iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Jawaari uu yahay Oday Soomaaliyeed oo sumcad dadka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Soomaaliya intaba ku leh.

Waxa uu sheegay in uu u tanaasulay Jawaari isaga oo ilaalinaya in dalkaan uu siigalo dhibaato kale,waxa uuna uga mahad celiyey waqti badan oo uu geliyey u Shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa intaba.

Madaxweyne Faramajo oo sii hadayay ayaa sheegay in is casialada Jawaari uu Alle ugu badalayo sumcad iyo sharaf,isla markaana isaga uu soo maray,iyada oo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin ha is casilin uu uu xilkii Ra’iisul Wasaarenimo xiligii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com