Dhageyso:-Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Owqaafta Iyo Arimaha Diinta Oo Dil Loogu Hanjabay

an iyo bur-burkii dowladii dhexe waxaa markii ugu horeysay Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta lasoo waregtay mas’uuliyada maareynta Howlaha Xajka iyo Cimrada,kadib dadaal ay Dowlada u gashay qorshahaasi.

Wasaarada ayaana hadda ku howlan hanaan cusub oo lagu tartansiinayo Shirkadaha Diyaarada ee Arimaha Xamlada Xajka iyo Cimrada ka shaqeeya,hanaakaas ayaana lagu kala xulanayaa Shirkadaha ka shaqeenaya Arimaha Xamlada Xajka iyo Cimrada.

Talaabada Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ay kula soo wareegtay mas’uuliyada howlaha Xajka iyo Cimrada oo markii hore  arimahaa gacanta ku hayeen Shirkado gaar ah.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xassan Khaliif Xassan oo kamid ah lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta ee Xiriirika Dowlaha Islaamka,kuna howlanaa qorshaha ay wasaaradu kula soo wareegtay mareynta howlaha Xadka iyo Cimrada ayaa  sheegay in Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradaasi loogu hanjabay dil hadii aysan wasaaradu joojin qorsha arimha ay kula soo wareegtay Mas’uuliyada howlaha Xajka iyo Cimrada.

Badweyn oo weydiisay cida ay fariimaha  ka heleen,ayuu Xassan Khaliif waxa uu ka gaabsaday in uu cadeeyo shaqsiyaadka fariimaha handadaada ay ka heleen,balse waxa uu cadeeyay in aysan aheyn Dowlada kale,balse ay yihiin dadka Somali ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads