Dhageyso:-Wasiir Cabdisamad”Wax Aan Dalka Waligeed Ka Dhicin Ayaan Aragnaa Oo Niyad Jab Ku Ah Shacabka”

Siyaasiga Cabdi Samad Macalin Maxamuud marna soo noqday Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka ee u dhaxeysa Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Siyaasiga oo  sheegay in waxyaabihii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka aysan aheyn wax horay loo bartay,isla markaana aan waligeed dalka Soomaaliya ka dhicin.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn qabtay  balse ay haatan qalalaasaha dhacay ay dadka Soomaaliyeed ku keeneyso niyadjab.

“Runtii wixii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee ahaa Xildhibaano kala qeybsan iyo ciidamo isdaba ordaya ma aheyn weli kuwo dalka ka dhacay waana nasiib xumo taasina waxa ay rajo xumo ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed,waxana loo baahan yahay in sideg deg ah xal buuxa looga gaaro ayuu yiri Siyaasiga Cabdi Samad Macalin Maxamuud”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com