DHAGEYSO:Dil argagax geliyay shacab ku nool mid kamid ah degmooyinka gobolka banaadir oo caawa isku fulisay

Haweeneydaan ayaa deganeyd  degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaarka sarta Wiif,waxaan eheladeeda ay Badweyn u sheegeen in Sanadihii u dambeysay ay qabtay Xanuun dhanka Maskaxda ah balse isdisahay.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray  Xaawo Cali Maxamed ayaa  aheyd qof Xaas ah,waxaana ehelkeeda ay sheegeen in Gurigii ay deganeyd ay isku soo xirtay kadibna ay Xariga u isticmaashday dilkeeda.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Mahad Cabdulle Macow Maxamed oo ay Ilmo Adeer yihiin Haweeneyda isdishay oo Badweyn la hadlay ayaa faah afahin ka bixiyey qaabka ay isku dishay Walaashiis iyo Xanuunka haayay intaba.

“Ninyahow aniga waan ka maqnaa guriga waa la isoo wacay waxana ley sheegay in walashey ay isdishay Qolkeeda ayay dhexda ka soo xiratay kadibna xarig ayay isku daldashay xiligaas Ninkeeda Shaqo ayuu ku maqnaa aniga ayaa u imid oo xarigii ka furay,runtii xanuunkii maskaxda haayey sanadkii u dambeeyey wuu ku soo darsaday taas ayaa keentay in ay isdisho ayuu yiri Mahad oo ay walaalo yihiin Xaawo Cali Maxamed ee isdishay”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com