DHAGEYSO:Macalin Jaamacadeed Oo goor dhow caawa lagu toogtay magaalada Muqdisho gaar ahaan…

Kooxo hubeysan ayaa Caawa Xaafada Odweyne ee degmada Deeyniile Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la Sheegay in uu barre ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho .

Ninkaan oo Magaciisa ay goobjoogayaal ku sheegeen Ismaaciil Cadoow Nuur ayaa la sheegay in uu inta aan la dilin ka hor ka soo baxay Garaash uu ku xareestay Baabuur uu lahaa balse ay dileyn rag bustoolado ku hubeysnaa.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Qof ka mid ah dadka deegaanka  ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu dilka u dhacay iyo xaalada Goobtii uu Caawa dilka ka dhacay.

 “ Markii laga soo baxay salaadii cishaha ayaa yar dhalinyaro ah oo runtii Khamiis watay oo gaari nooca raaxadaha ah garaash ku yaalla Xaafada ku xareestay markii uu ka soo baxay inta uusan gurigiisa gaarin waxaa wadada u galay laba dhalinyaro ah oo bustoolado watay waxayna laba xabadooda madaxa kaga dhufteyn goobtii ayuuna ku geeriyooday,dadka xaafada laga yaqaanana kama mid aheyn ninkaas dadkii dilka ka dambeeyayna wey baxsadeen ayuu yiri Goobjoogaha”

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads