DHAGEYSO:MD Farmaajo oo shaaciyay waqtiga rasmiga shabaab dalka laga xureynaayo iyo warar kale shegaayo…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa markale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya Gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha howlgallada Shabaab dalka looga saarayo uu yahay mid loo diyaar garoobay,isla markaana kaliya u baahan in loo dhaqaaqo.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyin uu sheegay in Al-Shabaab ku hayaan Shacabka soomaaliyeed ee mudada dhowrkaiyo labaatanka Sanada ah dagaalada ku jiray.

“Xaqiiqdii Al-Shabaab dhibaato ayay dalkaan ku hayaan marwalba maatida ayay qarxinaayan,waxayna au baahan yihiin in loo midoobo,waxana idin sheegayaa anaga oo wadajirna in mudo laba sano gudahood ah aan ku soo afjari karno dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Raamsade says:

    beenaale afkiisa iyo dhegihiisa isma maqlaan imisa mar ayuu dagaal iclaamiyay oo umadii ay dhameeyeen argagixisida




ads