DHAGEYSO:Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray boob la sheegay inuu ka dhacay Xerada tababarka Imaaraadka

aliyaha Hoggaanka Siyaasada iyo wacyigalinta ciidanka Xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid Shiikh Cali (Xaydar) ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay faafiyeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in la boobay agab yiilay xero Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu intaas ku daray in maanta xerada uu booqday abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka aysana waxba ka jirin wararka sheegaya dhibaatooyin xeradaas ka dhacay.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

G/Sare Xaydar waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay wararka la baahiyey qaarkood oo sheegaya in ciidamada Xoogga dalka uu iska horimaad ku dhaxmaray gudaha xerada Imaaraadka, waxaana uu xusay in Macalimiin iyo tababarayaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay hadda ku sugan yihiin gudaha xerada General Gordan.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka Xoogga dalka ayaa ku goodiyey iney sharciga la tiigsan doonaan warbaahinta baahisay wararkaasi been abuurka ah.

Hadalka taliyaha ayaa ka dambeeyey xili maanta Xerada tababarka Imaaraadka Jen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho uu ka dhacay boob lagula kacay agabkii yiilay ee loo adeegsanayey tababarka ciidamada Soomaalida.

Falkan ayaa dhacay wax yar ka dib markii ay dalka ka dhoofeen Saraakiisha tababarayaasha Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa Xeradaas, iyagoo dalkooda dib ugu laabtay ka dib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com. says:

    CABDIXAMIID SHEEKH CALI XEYDAR WAA BEENLO

    IN XIRADA LA BOOWAY IMAARAADKA AYAA CADEEYSAY; ASAGANE WUXUU LEEYAHAY WAXBA KAMA JIRAAN: CAAWA AYAA FITAN KATAAGAN XIRADA




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com