DHAGEYSO:WARARKII Ugu dambeeyay ee dagaalkii Muqdisho, Khasaaraha ka dhashay & Gurmad badan oo ka yimid….

Warar Badweyn ay saaka ka helayso Xaafadda 77 oo ka mid ah Xaafadaha ku yaalla degmada Dayniile ayaa ku waramaya in saaka halkaa uu wali si goos goos ah uga socdo dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka bilowday halkaas.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey inaysan xalay ladin Jiif fiican oo illaa xalay dhan ay gambad ka ahaayeen rasaasta ay is wiidaarsanayeen ciidmada kawada Tirsan dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas ku dhawaad 10-ruux oo isugu jir dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka oo salka ku haya is-qabqabsi dhuleed oo u dhexeeya ciidanka dagaalamaya oo qaab qabiil u abaabulan balse wata hubka iyo dharka ciidanka dowladda,mana jirto wax masuuliyiin dowladeed ah oo tagay goobta dagaalku ka socdo si ay xaaladda u qaboojiyaan

Dhianaca kale dadka ku nool xaafadaha lagu dul dagaalamayo ayaa eedeyn u jeediyey maamulka ka taliya boobahaasi oo ah Maamulka degmada Dayniile,Shacabka ayaa waxa ay sheegeen inay u arkayaan ka aamusnaanta arinta ee Maamulka raalli ahaansho uu ku rabo maamulku in xiisaddu sii socoto sida uu inoo sheegay qofka oo dadka deegaanka ka mid ah……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here