DHAGEYSO:Wararkii ugu danbeeyay khilaafka xilka qaadista Farmaajo iyo xildhibaan ka hadlay wararka shegaayo

Xilli xalay ay soo baxayeen warar sheegaya inuu is casilayo Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa wararkaas si adag uga hadlay xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo ku sheegay Been abuur lagu doonayo in dadka iyo dalka lagu jahwareeriyo.

Xildhibaan Caasha Koos waxaa ay ka mid tahay xildhibaanada taageersan Jawaarisheegtay in guddoomiyaha ay la joogtay xilliga ay soo baxayeen wararka la xariira is-casilaadda,islamarkaana aysan waxba ka jirin.

HALKAAN KADHAGEYSO XOGTA WARKAAN

Ciddii Faafisay wararkan ayey ku tilmaamtay inuu Faal u qabtay is-casilaadda Jawaari sida ay hadalka u dhigtay,waxayna tilmaamtay inuu sharci ku yimid haddii ay dhacdo iscasilaadna uu si sharci ah isku casilayo,kulan xildhibaanadu ay xalay  la qaateen guddoomiyaha ayey sheegtay inaysan jirin wax gooni ah oo ay kaga wada hadleen marka laga reebo kulan casho ah….

Iyadoo sidii hadlaysa Xildhibaan Caasha Koos waxaa ay ku baaqday in aan dadka iyo dalkaba lagu jahwareerin warar been abuur ah oo aan culeys kale loogusii darin sida ay hadalka u dhigtay caburin lagu hayo…..


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads