DHAGEYSO:Xildhibaan Idiris Dhaqtar”MD Farmaajo dalka masii maamuli karo ee ha iscasilo inta dalka halis weyn gelin mar hadii

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlaamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka hadlay xiisada ka dhex jirta Baarlamaanka iyo doorka kaga aadanaa Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay kaalintii uu ku lahaa xalinta khilaafka hareeyay Guddoonka Golaha Shacabka ee sababay in ay kal qeyb samaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu soo doortay sharci,isla markaana doorashadiisa si sax ah lagu soo doortay laakin balse ay u muuqato mid uu ku fashilmay Shaqadii loo doortay.

Waxa uu soo hadal qaaday Ciidamadii ilaalada gudoomiyaha Golaha ShacabkaMaxamed Sheekh cusmaan Jawaari ee laga wareejiyey,waxa uuna ku baaqay in hadii Gudoomiye Jawaari xilka laga qaadayo in sisharci ah xilka looga qaado.

1 COMMENT

  1. farmaajo waa lagu qaldamay ee ninka xanuusan u naxa oo xilka ka wareejiyawaa xaqiiq farmaajo waa nin waalan oo xanaano u baahan ee u naxa isaga iyo dalkaan ee umada ka hor qaada si uu tolkii u daaweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here