Dowlad si hoose ula wareegtay musharaadka ciidamadii Imaaraadka tababaraayay oo haatan laga….

Sida aan xog hoose ku helnay dowlad aad saaxiib ula ah DFS ayaa waxay bixineysaa mushaarka ciidamadii uu tababaray Imaaraadka, walibana lacagtaasi waxay usoo marsiineysaa dowladda federaalka ah.

Dowladda ayaa ah Turkiga, waxayna u ballanqaaday in DFS aan lagu cidleyn doonin bixinta mushaaraadka ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Imaaraadku uu tabobaray.

Lacagtaan oo aan sidaasi u badneyn ayaa bil walbo waxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho geyn doontaa wasaaradda difaaca iyo tan Maaliyadda, iyadoo ciidankaasi joogto loo siin doono.

Turkiga ayaa ah dal si dhow saaxiib ula ah dowladda Soomaaliya iyo shacabka intaba, kana caawiyey waxyaabo aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here