Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo Fariin Culus u diray Maanta Somaliland…

Abwaanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadalay xiragii magaalada Hargeysa loogu geystay Naciimo Abwaan Qorane.

Naciima Abwaan Axmed Qorane oo ah gabar abwaan ah ayaa Somaliland ku soo oogaytay dacwad la xariirta in ay faafisay qoraalo dhaawacaya madax banaanida Soomaaliland.

Ciidamada amaanka ee Soomaaliland ayaa xiray Naciima Axmed Qorane 29ka bishii koobaad ee sanadkaan, iyadoona maxkamada gobolka Maroodi jeex 15kii bishaan ku xuntay 3 sano oo xabsi ah.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure iyo Abwaan Xersidhuux Maxamed Weheliye oo ah guddoomiye ku xigeynka golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay madaxda Soomaaliland ka dalbadeen in si shuruud la`aan ah loo sii daayo Abwaan Naciima Axmed Qorane.

Baaqa golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili magaalada Hargeysa ay ku xirantahay Abwaan Naciimo Axmed Qorane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here