Hargeysa: Qof ku dhintay Daad qaaday Gaari uu la socday..

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa kaddib markii Gaari uu wade ka ahaa uu daad ku qaaday dooxa Aw-Barkhadle ee Bariga Hargeysa.

Guddoomiyaha Tuulada Aw-Barkhadle ,Mahad Maxamuud Gaheyr ayaa sheegay in Gaari nooca Waaraadka ah oo ka baxay Berbera uu Daad ku qaaday duleedka Hargeysa.

Gaariga ayaa waday Khudaar uu ka qaaday Magaalada Berbera una waday Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland

Guddoomiye Mahad ayaa wadaha Gaariga Waaraadka ah ee uu daadka qaaday magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdullahi (Cago Seyr).

Waxaa uu Guddoomiyuhu intaas ku daray in Meydka Cag seyr ay ka heleen meel 5km u jirta Tuulada Aw-Barkhadle ee uu markii hore Daadka ka qaaday.

Guddoomiya Tuulada ma sheegin dad kale in ay wax ku noqdeen shilkaas iyo in kale,waxaana uu digniin u diray dadka xilliga Roobka ku safraya Waddooyinka u dhow Dooxa noocaan oo kale ah.

Mahad,waxaa kale oo uu intaas raaciyay in degaankaas ay dhigeen Ciidan Gaadiidleyda ka ilaaliya in ay isku biimeeyaan Dooxa biyaha badan si uusan Khasaare kale u geysan.

Shalay ayey ahayd markii Duleedka Mandheera laga badbaadiyay lix qof oo Gaari ay la socdeen uu Daad ku qaaday Gobolka Waqooyi Bari Kenya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com