LA OGAADAY: Qorshe Lagu Duminayo Dowladda Farmaajo Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Shaqsiyaadka Wada Oo La Ogaaday

Baaritaan dheer oo aan sameennay ayaan ku ogaannay in xubno siyaasiyiin iyo xildhibaanno u badan ay magaalada Muqdisho ka wadaan qorshe aad u ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku ridaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaannada golaha shacabka gaar ahaan kuwa ka tirsan Damuljadii iyo Aalasheekh ayaa hadda wada qorshihii ay ku ridi lahaayeen Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale waxay xildhibaannadan taageero ka helayaan dowlado shisheeye iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah.

Ulajeedkooda ayaa ah in dowladdan ay ridaan kadibna ay gadaal kasoo riixaan shaqsiyaad iyaga ka mid ah, ama ay dib u hantaan awoodda dowladda sidii dhacday 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxda ugu sarreysa DFS waa ay ka war hayan waxa lala damacsan yahay dowladda ay hoggaamiyaan, iyagana difaacooda waa ay diyaarsanayaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com