Madaxtooyada oo xaqiijisay in Imaaraadka uu xiray 3-Xarun oo lagu tababari jiray Ciidanka DF Somalia…

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay gabi ahaanba tababarradii iyo taageerada ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa sheegay in ay xireen saddex xarumood oo lagu tababari jiray ciidanka oo ay ku lahaayen Soomaaliya iyo hal Hospital, iyadoona sidoo kale ay la baxeen shaqaale ay ku sheegeen in ay ahaayeen dhakhaatiir caafimaad.

Warsaxaafadeed lagu daabacay Wakaaladda Wararka Imaaraatka (WAM) oo ku saabsan arrinka ayaa lagu sheegay in la joojiyey bixinta mushahaaraadka 2,400 oo askari oo Imraataaku ay bixin jireen.

“Imaaraatka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku saleysan is-ixtiraam iyo is-qadarin, Annaga Imaaraat ahaan waxaan fidinay tababarro kala duwan oo ay ka qalin jabiyeen kumannaan Soomaali ah kuwaas oo loo diyaariyey in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud laamaha ammaanka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Imaaraatka ayaa tilmaamay xarumaha ay ka baxeen, waxaana ka mid ahaa Xarunta Tababarka Ciidanka Badda ee ay ku lahaayeen Puntland iyo Xarunta Tababarka Ciidanka Lugta ee Jeneraal Gordan magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Gaas uu maanta shir jaraaiid ku qabtay Xarunta Tababarka Ciidanka Badda ee magaalada Boosaaso kuna sheegay in ay Imaaraatka aysan ka bixin Puntland kana codsaday in ay sii dardar geliyaan tababarradooda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads