Maxaad ka Ogtahay Wadanka Shabaab lacagta ugu badan ka soo gasho & Sir culus oo qaraxday?

Soomaalida ku dhaqan magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa ka walaacsan xayiraado lagu soo rogay qaar ka mid shirkadaha xawaaladaha ee ka howlgala dalkaasi.

Bankiga la yiraahdo Royal Banka ee dalkaasi ayaa ayaa sheegay in uu Accounada ka xirayo shirkadaha Amal Express iyo Iftin 17 bishan April iyo 15 bisha soo socota ee May.

Maxamed Accord oo ka mid ah Soomaalida magaalada Edmonton ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha, islmarkaana lagu bartilmaameedsanayo bulshada Soomaalida ee dalka Canada.

Maxamed ayaa xusay in shirkadaha Xawaaladaha ay Soomaalida u adeegsadaan in ay Lacago ugu soo diraan Eheladooda ku sugan Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in arrintaasi ay keeni karto dhibaato weyn oo saameyn ku yeelada dadka Soomaalida ah ee sugan gudaha dalka.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Edmonton Jibriil Ibraahim ayaa sheegay in Xawaaladaha ay yihiin aaladaha fududeeyo in Soomaalida ay Lacagaha masaariifta ah isugu diraan.

Wuxuuna xusay go,’anka dowladda Canada ay caqabad weyn ku noqonayo nolosha Soomaali badan.

Magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa waxaa ku nool illaa iyo 20,000 oo ah Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka horaantii sagaashameeyadii.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababaha rasmiga ah ee xayiraada loo saarayo qaar ka mid shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Canada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com