Maxkamada S/land oo Xukun ku riday Wiil Buug ka qoray MD Farmaajo…

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday Wiil Buug ka qoray Guushii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu boggiisa Facebook uuu ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxakamada ku xukuntay Maxamed Kayse Bigeeye xasbi dhan Hal sano iyo Lix bilood, kadib markii lagu soo eedeeyay bogga Facebook uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland oo uu meel ugu dhacayo sharaftiisa.

Ereyada xarigiisa loo cuskaday wiilkan ayaa ahaa erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland waa Local” , isagoo sidoo kale Buug uu ka qoray Guushii doorashada madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku soo bandhigay bartaasi, wuxuuna xabsiga ku jiray ku dhowaad 2 bilood.

Somaliland ayaa isu bedeshay maamul aan dulqaad u lahayn fekerka dadka iyo muujinta ra’yiga, iyadoo si weyn loogu caburiyo dhalinyarrada iyo hal abuurka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads