MD Farmaajo “Carabta ha fuliyaan Ballanqaadyadii Soomaaliya ay u sameeyeen”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay shirkii 29-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa Khudbad uu jeediyay waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya.

Xaaladda Siyaasadeed iyo Midda Amni ee Dalka waxa uu sheegay in ay soo Hagaageyso, waxa uuna ka dalbaday Madaxdii Carbeed ee Ballanqaadyada horay Soomaaliya ugu sameeyay in ay bixiyaan Waxyaabihii ay u ballan qaadeen.

Waxa uu weydiistay in la fuliyo Ballan-qaadyadii Shirarkii Hore ay u sameeyeen Wadamada Carabta Soomaaliya ay ka dhabeeyaan, sidoo kalana la dhaqan geliyo go’aamada kasoo baxa Shirarkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday in Baahida ka dhex jirta Midnimada Dalalka ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta loo baahan yahay, meeshana laga saaro Xurgufta ka dhex jirta.

Xiisadaha ka dhex jira Wadamada Carabta ayaa saameeyay Shirkii 29-aad ee Shalay ka dhacay Sacuudiga, kadib markii uu ka maqnaa Amiirka Qadar oo kasoo Muuqan jiray Shirarkii horay, sababaha uu ugu baaqday waxaa ugu weyn go’doonkii ay saareen Wadamada Sacuudiga uu Hogaanka u yahay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads