SAWIRO: Dowlada Qadar oo Basas waaweyn ku wareejisay Maamulka G.Banaadir…

Dowladda Qadar ayaa maanta 30 Gaadiidka waaweyn ee Basaska ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ah.

Mas’uuliyiin ka kala socda Gobolka iyo Dowladda Qadar ayaa Gaadiidkan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee ka qeybgalay Munaasibadda ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab joogto Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 17 ka mid ah Gaadiidkan leh iyada oo inta soo hartay loo qeybinayo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Gaadiidkan waxaa adeegsanaya Dowladda hoose ee Muqdisho,waxaan Basaska dhaadheer,iyada oo horay sidan oo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Gaadiid uga helay Waddamada Imaaraadka,Turkgiga iyo kuwo kale oo taageera Dowladda Federaalka ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Saacid says:

    Soomaali iyo talo xumo gaadiidkan waxa uu ka qeyb qaadan karaa isku xirka iyo is gaarsiinta waxana uu ka qeyb qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha dalka haddii looga faaiideeyo bulshooyinka ku dhaqan gobalada wax soo saarka leh oo dadkooda u baahan gaadiidka dadweynaha…gaadiidkana wuxuu ku fiicnaa inuu daboolo baahida dadweynaha gobalada siiba kuwa wax soo saarka oo si toos ah ugu xiran magaalooyinka ay badeecadahooda u iib geeyaan siiba. Magaalada Muqdisho…hadiise gaadiidkan lagu wareejyo dagmo iyo wixii la mid ah waa hubanti inaan bulshada waxba ku soo kordhineyn…taasoo noqon doonta nin dhar xiran hadana dhar la’.. Gaadiidkan waxaa wanaagsan in lagu wareejiyo wasaaradda Boostada iyo Is Gaarsiinta oo uu noqdo mid Boostaha iyo dadkaba soo qaada oo gobalada dalka isku xira….”Postbus” waxa loo yaqaano oo bulshooyinka caalamka inta badan ay ka faaiideysteen ama uu noqdo gaadiidkan regular local tranport system oo leh jadwal iyo goobo calaamadeysan oo istaaga ah ama boisteejo iyo tabeele oo dadweynuhu ku xisaabtamaan..magaaladana looga sameeyaa xarumo ay leeyihiin ama bus stations magaalada dhexdeeda ah mahadsanidiin…




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com