Senate-ka Mareykanka oo xaddidaya awoodda Trump ee Milatariga…

Senate-ka Dalka Mareykanka ayaa soo saaray hindise sharciyeed lagu xaddidayo awoodda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee dhinaca adeegsiga awoodda Milatariga ah.

Xeerkan waxaa ay Xildhibaannada ka fakareen kaddib markii Jimcihii la soo dhaafay uu Trump Milatariga Mareykanka amray in ay weeraraan Dalka Syria weerarkaas oo dhacay Sabtigii.

Xeerkan waxaa uu Madaxweynaha ka xaddidayaa in uu amro weeraridda dal madaxbanaan isaga oo aan fasax iyo wargelin ka heysan Golaha labada aqal,sidoo kale waxaa uu farayaa in labo bil ka hor weerarka uu Golaha senate-ka u gudbiyo qorsha weerarka.

Dhinaca kale waxaa uu Madaxweynaha u fasaxayaa in uu fasax la’aan amri karo weerarrada ka dhanka ah Argaxisada waxa uu u yaqaan Mareykanka sida Al-Qaacidda,Dalaibaan Daacish iyo Ururrada aan dowliga ahayn ee dagaallada ku jira.

Senator Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda senate-ka Mareykanka kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ah iyo Senator Tim Kaine oo ka tirsan Xibsiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in xeerkan ay ka doodayaan golaha kaddibna cod loo qaadayo si loo meel mariyo.

Xeerka in Madaxweynaha uu fasax weydiisto Golaha Senate-ka ayaa la laalay sanadkii 2001dii Markii AL-Qaacidda ay weerartay Mareykanka.waxaana Madaxweynihii xilligaas George W.Bush uu weerar ku qaaday Dalka Afghanistan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com