SHABAAB oo soo saaray Fariin qaracan ku ah Dhalinyarada Soomaaliyeed…

Al Shabaab ayaa ugu baaqay dhalinyarada Somaliyed inay ka qayb qaataan dagaalka Shabaab ay ka wadaan Somaliya ee ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo Amisom.

Xoogaga Shabaab ayaa marin habaabiyay kumanaan dhalinyaro Somaliyed oo ay dhigeen mustaqbal la’aan haddana waxa ay wali u gacan haatinayaan kuwa iska dhaga tiray fekerka iyo hab dhaqanka guracan Shabaab.

Afhayeenka Shabaab ee dhanka dagaalada C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay dhalinyarada Somaliyed inta ay leeyihiin xoog looga baahan yahay inay dagaalada ka qayb galaan.

Wuxuu tilmaamay in xeryaha ciidamada Shabaab ay ku tababaraan ay tagaan dhalinyarada si tababar loo siiyo, qaybna ay uga noqdaan nooca dagaalka ah ee Shabaab ay wadaan.

Baaqa Shabaab ay u dirayaan dhalinyarada Somaliyed, wuxuu ku soo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe ay jireen dhalinyaro fara badan oo ka waantoobay fekerka dagaalka Shabaab.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in dhalinyarada tababar la siinaayo si dagaalada ay qayb uga noqdaan, wuxuuna ku cel celiyay inay muhiim tahay arrintaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads