SHABAAB oo weerar Culus kula wareegay Deegaan ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya & kuwa Jubba-land…

Xaraakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaal kula wareegtay degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaankaas iyaga oo halkaas kula dagaallamay Ciidamada Maamulka Juballand iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degaankaas.

Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Maamulka Jubaland ay dagaalka kaddib aadeen degaan duleedka ka ah Qooqaane oo uu ku yaallo saldhig ay halkaas ku leeyihiin Ciidamada Kenya.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulka Jubaland oo la xiriira sheegashada Al-shabaab ee ah qabsashada degaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Al-shabaab ayaa intaas raaciyay in ay dab qabadsiiyeen saldhigga ay kala wareegeen Ciidamada Jubaland ee degaanka Qooqaani oo ah halka lagu dagaallamay maanta.

Ciidamada Juballand iyo kuwa Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaallamay degaanno waqooyiga ka xiga Magaalada Kismaayo oo ay ka mid tahay degaanka Buulo Guduud,halkaas oo uu khasaare badan kala gaaray dhinacyada ku dagaallamay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com