DHAGEYSO Wafdi beesha caalamka kasocda oo goor dhow Muqdisho kusoo wajahan iyo xiisada siyaasada

Wafdiga ka socda beesha caalamka ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho kuwaa oo doonaya in ay xal u raadiyaan khilaafka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka kala socda wadamada qaar ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ku soo wajahan, kuwaas oo la tilmaamay in ay kulamo la qaataan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra`iisal wasaaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigeenadiisa iyo xubno kale.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Inta xal looga helaayo khilaafka tan iyo bishii hore ee ka taagan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay diirada saari doonaan mas’uuliyiintan xalinta khilaafkaasi.

Xubnahaan ayaa la sheegay in xiriiro ay la soo sameeyeen dhinacyadaan is haaya, isla markaana ay ku taliyeen in si hoose loo xaliyo kala aragti duwnaasha taagan si la iskula sii shaqeeyo oo aan cidna meesha looga saarin.

Habeen kahor ayaa muqdisho wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa ay la kulmen madaxweyne Farmaajo iyi Gudoomiye Jawaari, iyadoo kulamadaasi ay noqdeen kuwaas aan miro dhalin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads