War deg deg ah oo naga soo gaaray Hargeysa & Dhimasho lasoo sheegayo..[Dhageyso]

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in hal qof uu geeriyooday ka dib markii Saddex nin oo ku jiray Haan Shidaal ay ku neefqabatoobeen.

Saddexda nin ayaa la sheegay in ay galeen Haan Shidaal si ay u soo nadiifiyaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ninka dhintay ayaa lagu Magacaabi jiray C/fataax Maxamuud Cismaan.

Taliyaha Ciidamada Dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay soo badbaadiyeen labo nin oo ku jiray Xaalad Adag.

Waxaa uu sheegay in Shacabka kunool hargeysa ay kasbadeen dhibaatada soo gaartay Maadaama raggaasi ceelka loo riday , iyadoo lagu jiray xilli Qoraxdu ay kulushahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here