War Lagu Farxay oo naga soo gaaray Soomaali badan oo u xeran Dowlada Yahuuda..

In ka badan 200 oo ah muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Eritrea, Somalia iyo sudan ee Qaaradda Afrika ayaa laga daayay xabsi ay ku xirnaayeen oo ku yaalla dalka Israa’iil.

Soo deynta maxaabiistaasi ayaa waxaa ay ka dambeysay, kadib amar ay dhawaan bixisay Maxkamadda sare ee dalkaasi.

Dadkaasi oo tiro ahaan gaarayay 207 ruux ayaa laga sii daayay xabsi ay ku xirnaayeen oo ku yaalla koonfurta dalka Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Maxaabiistaasi ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin kumanaan muhaajiriin ka soo jeeda Qaaradda Afrika oo si sharci darro ah ku galay gudaha dalka Israa’iil, iyadoo dowladda ay sheegtay in sababta xarigooda ay ka dambeysay, kadib markii ay diideen in ay dib ugu noqdaan dalalkooda.

Dowladda Israa’iil ayaa dhawaan dalka Uganda u masaafurin doonta 500 oo ka mid ah muhaajiriintaasi, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo dowladd Afrikan ay aqbasho dalabka masaafurinta ee ka yimid Israa’iil.

Dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa dowladda Israa’iil ay siineysaa Lacag dhan 3,500 oo Dollar marka ay ka baxayaan gudaha dalkeeda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads