War Yaab leh oo kasoo kordhay Askarigii Xaaskiisa ku dilay Kismaayo…

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dil naxdin leh oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose halkaasi oo Nin askari ah ku dilay Xaaskiisa.

Mid ka mid ah Ehalada Gabadha sababsatay gacanta seygeeda Muxubo Maxamed Guure ayaa inoo sheegay in Arrintaan naxdin leh lagu wargeliyay madaxweynaha maamulka Jubbaland maadama askari dilka geystay uu ka mid yahay ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Askariga gacan ku dhiiglaha ah oo hadda ku sugan madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa si xor ah u dhaq dhaqaaqaya howlihiisa caadiga ahna sika wato,waxaanay jirin cid cadaadis ku saareysa falka dilka ah uu geystay.

Sidoo kale,Ehalka Gabadha laga dilay ayaa dalbaday iney helaan cadaalad,islamarkaana Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu Arrintaan uu soo fara geliyo.

Marxuumad Muxubo ayaa waxaa dilay Seygeeda ama ninkii qabay oo ka tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee maamulka Jubbaland waxaana gacanta ku dhigay maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay Muxubo waxaana la sheegay inuu baaritaan ku socda Askariga dilka Fuliyay oo hada gacanta ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here