XOG Daawo: Yaa kamid ah Mas’uuliyiinta Shaqadii loo dhiibay ku fashilmay ee RW kheyre uu u hanjabay…

Sida muuqata waxaa gabay shaqooyinkoodii Gudoomiyeyaasha Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay ilaaween masuuliyadda Qaran ee saaran oo ah u addeegida shacabka.

Maamulada Degmooyinka, Warta Nabadda, Hawlwadaag iyo Hodan ayaa noqday Degmooyinka ugu amniga xun, sidoo kalena shacabka Degmooyinkaas aanan helin adeegyadii ay uga baahnaayeen dowladda hoose.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA:

Degmada Warta Nabadda dadka degan waxa ay kala bar qaati ka taagan yihiin dhaca Moobeelada oo joogto ka noqday Degmadaasi, waxaana xaafadda Xamar Jadiid ku badan kooxo hubaysan oo dadka dhac u gaysta.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Zaynab Xaabsey inta badan kuma sugna Degmada, waxayna waqtigeeda ku qaadata meelo ka baxsan Degmada Warta Nabadda, taasi oo muujinaysa inaysan qaban shaqooyinkii Qaranka u igmaday.

Xarunta Degmada Warta Nabadda agagaarkeeda waxaa hareeyay boholo waaweyn oo qashin iyo biyo fariisin ah, taasi oo shaki kaa gelinaysa in goobta ay tahay xarunta Degmada iyo in kale.

Dhinaca Degmada Hawlwadaag ciidan hubaysan ayaa dhac u gaysta maalinta cad guryaha ku yaallo Xaafadaha nawaaxiga Degmada Hawlwadaag, waxayna qaataan lacagta iyo dahabka haweenka guryaha u yaallo.

Ciidan hubaysan ayaa dhawr todobaad ka hor galay guri ku dhaw Xarunta Degmada Hawlwadaag oo waxa ay halkaasi ka dhaceen dahab iyo lacag badan oo guriga tiilay.

Gudoomiyaha Degmada Hawlwadaag C/kariin Cali Kaar ayaa khamiis dhaaf damaashaad iyo waqti lumis u aada Degmada Warsheekh oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, xilli shacabkii Degmadiisa ay ka harsan la’ yihiin ciidan hubaysan oo dhaca u gaysta.

Maxamed Axmed Cantoobo oo ah Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa si la mid ah sida Gudoomiyaha Degmada Hawladaag dhankiisa dalxiis u aada Degmada Warsheekh xilli ay isa sii raacaan Gudoomiyeyaal Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka.

Shacabka Degmada Hodan ayaa dhibaato ku qaba isku dhaca ciidamada iyo sidoo kale wadooyinka degmadaasi oo aanan hagaagsaneyn, waana qorshe xumada haysata Maamulka Degmada oo ku mashquulsan arrimo ka baxsan Degmada.

Iyadoo ay jirto habacsanaanta caynkaasi ah oo haysata masuuliyiinta qaar ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre wuxuu si kulul ugu canaantay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir inaysan u gudan waajibaadkooda sidii loogu talo galay.

Khayre ayaa ku canaantay Maamulada Degmooyinka, Gudoomiyihii Shaqadiisa qabsan waaya in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado oo xilka laga xayuubiyo.

“Runtii maalin dhaweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com