XOG Daawo:RW Kheyre iyo Shariif Xasan oo siyaasada kukala booday&Qabiil aan waligiis Gudoomiye barlamaan noqon oo haatan…

Tani markii oo shaaciyay gudoomiyihii hore ee barlamaanka soomaaliya Jawaari in iska casilay xilka gudoomiyaha barlmaaanka soomaaliya ayaa soo ifbaxay shirar xowli kusocda kuwaasi xildhibaanada oga arinsanayaan shaqsiga u dooran donaan gudoomiyaha cusub.

Shirar aan kala joogsi lahayn ayaa haatan kasocda hotelada caanka ku ahaayeen shirarka siyaasadeed waxaana lashegayaa in kursigaas isku soo sharixi donaan qabiilo aan waligood aan isku soo sharixin waxaana kamid ah beesha hawiye.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Xubnihii garab taagnaa gudoomiye Jawaari ayaa haatan lashegayaa in ay wataan musharaxa u qabto kursigaas kasoo ka imaan doona beesha hawiye gaar ahaan mudulood sida oo noo xaqiijiye mid kamid ah xildhibaanadaas.

Xubnaha mucaaradka oo ku aftirsada xisbiyada Damul-jadiid iyo Daljir ayaa lashegayaa in haatan ku heshiyeen sidii kursigaas u qaadan lahayeen meeshana oga saari lahayeen Xasan Cali Kheyre oo kufadhiyo kursiga beesha Hawiye madaama dowlada awood qeybsi ay tahay.

Shariif Xasan ayaa haatan xildhibaanada kasoo jeedo beesha digil iyo mirifle ku cadaadinaayo in isku soo sharixin kursigaas una soo dhicin doono kursiga ra’isulwasaarinimo badalkoodana kursigaas usoo sharixi doono shaqsi udhashay beesha hawiye.

Maalmo kahor ayaa ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan kawada mideysnayeen ridista Jawaari inkastoo haatan muuqato in siyaasada ku kala fogaadeyn balse la arki dooneey halka xaalka ku danbeeyo.