Xog Deg Deg ah: Taliska Amisom oo Mamnuucay in gudaha loo galo Xerada Xalane Muqdisho….

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho uu amar dhanka galitaanka ah kasoo saaray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray qoraal amar ah oo lagu mamnuucayo galitaanka Xarunta Xalane oo Saldhig u ah Diplumaasiyiinta iyo ciidamada Shisheeye.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale Saldhig u ah Safaradado badan oo ay leeyihiin dowlado Shisheeye, waxaana jira warar hoose oo muujinaaya cabsi dhanka amaanka ah.

Amarkan ayaa saameynaaya dhammaan Soomaalida u shaqa tagta Xarunta, Mas’uuliyiinta banaanka ka degan Xarunta iyo dhammaan ciidamada aan ka howlgalin Xalane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here