XOG: Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka oo qarka u saaran in uu saameeyo Ganacsiga Labada Dal…

Xildhibaan Siidoow Aadan Abaadir oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhaxeeya kadib lacag ay dowlada Soomaaliya dhawaan ku qabatay Garoonka Diyaardaha Muqdisho oo uu Imaaraadka lahaa.

Siyaasigan ayaa sheegay in dagaalkaan siyaasadeed uu sameyn ku yeelan karo ganacsiga maadaama Soomaaliya uu ganacsigeeda ku xiranyahay Abu dhabi.

Xildhibaankaan hore ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu Tababaray qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya uuna bixiyo mushaaraadkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay fureen xarumo Caafimaad oo lagu daaweeyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in Xukuumada Soomaaya ay Imaaraadka ka xigsato Qadar.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com. says:

    SIIDOW Waxaad tahay Nin Aad Rabiga ku kalsooneen War Irsaaqada Rabi Ayaa haayo
    Ee Ilaahow Dawladda Soomaali iyo imaaraadka ilaahow Yaan dab Leeyska Qaadan
    irsaaqada iyo Nolosha Rabbi Ayaa Haayo ilaho Soomasali iyo imaaradka Kala Geey sii Xuriyadda Soomaliya xur u noqota




ads