Xog ku saabsan kulanka maanta dhexmaraya Madaxweyne Gaas & Saraakiil ka socota imaaraadka…

Saraakiil ka socota dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii soo gaaray Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib ka bixitaankoodii Saraakiishooda tababarayaasha ahaa.

Saraakiishaan ayaa Wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in ay la kulmi doonaan madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyaga oo kala hadli doona khilaafka DFS iyo Imaaraadka Carabta oo sababtay in saraakiishii tababarayaasha Imaaraadka ay ka baxaan Boosaaso.

Sabtidii ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweyne Gaas uu la kulmo Saraakiisha Imaaraadka ka socota basle uu aaday Xafladii Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beel Daaje.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Madaxweyne Gaas iyo Saraakiisha Imaaraadka ay ku kulmi doonaan Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso,iyada oo xalay Madaxweyne Gaas uu dib ugu soo laabtay Boosaaso.

14-kii Bishaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa mudo Saacado ah ku xayirnaa Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraad ah oo doonayay in ay Boosaaso ka baxaan wallow markii dambe la fasaxay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com