Xog: Maxaa ka jira in Sh.Muqtaar Roobow looga yeeray Magaalada Muqdisho…

Warar hoose ayaa sheegaya in Wadaadka Wada hadalka kula jira Dowladda Soomaaliya Sheikh Mukhtaar Roobow looga yeeray magaalada Muqdisho.

Illo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u yeeray Mukhtaar Roobow oo hadda ku sugan Gobolka Baay.

Mukhtaar Roobow ayaa hadda wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool,waxaana dagaalkaasi gacan ku siinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Mareynkanka.

Sababta madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Mukhtaar Roobow ayaa lagu sheegay iney tahay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii madaxweynaha uu warbixin uga siin lahaa ila iyo hadda howsha uu qabtay halka ay wax u marayaan.

Mukhtaar Roobow oo si cad u cadeeyay inuu ka baxay Al-Shabaab ayaa isaga iyo ciidamo daacad u ah waxay wadaan qorshe deegaanada koonfur galbeed looga ciribtirayo Kooxda Al-Shaaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here