XOG: Qatar oo la Wareegeysa Mashaariicdii Imaaraadka iyadoo Farmaajo & kheyre lagu wargaliyay in Xariirka…

Warar hoose ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin uu ku qancinayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka inay xiriirka u jaraan Dowlada Imaaraadka Carabta oo si fool ula dhaqmeysa Soomaaliya.

Kulan saaka ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Fahad Yaasiin wuxuu Madaxda dalka usoo bandhigay qorshe ay wado Dowlada Qatar oo ay ku dooneyso Isbitaal ka waa weyn kan Imaaraadka inay ka hirgaliso Soomaaliya, tababar dibada ahna ay siiso Ciidamada xoogga dalka.

Qorshahan ayuu sheegay in dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay ku bixiso lacago Balaayiin dollar ah, waa hadii ay saxiixaan Madaxda dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka caga jiiday in hada lagu fududaado go’aan ka qaadashada xiisada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka, wuxuuna sheegay in damaca dhabta ee Imaaraadka uusoo bixi doono haday diidaan wada hadalada lagu qaboojinayo xaalada oo hada la leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Qatar ayaa dooneysa in lagu soo wareejiyo dhamaan Mashaariicda Imaaraadka maadaama dagaal xoogan uu ka dhaxeeyo labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here