XOG: Qorshe Xilka looga tuurayo Madaxweyne Xaaf oo ka bilawday Cadaado…

Beesha Cadaado ayaa qorsheyneysa sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ay ku eedeeyeen inuu hareer maray Heshiisyada sida wadajirka ah loo wada gaaray.

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Cadaado oo shir ku yeeshay magaaladaasi ayaa waxay go’aan ku gaareen in Xildhibaanada metalaya deegaankaasi looga yeero magaalada Cadaadi si wadatashi loola yeesho.

Sidoo kale,Beesha Cadaado ayaa isku raacday gabi ahaanba ineysan taageersananeyn fekerka Madaxweyne uu ku dhaqayo Galmudug,waxayna tilmaameen in xuquuq badan oo ay lahaayeen la duudsiiyay.

Sidoo kale,waxay talaabo laga xumaado ku tilmaameen qorshihii Cadaado looga soo guuray oo lagu soo degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Heshiis ay wada galeen Ahlu suna iyo Galmudug ayaa ugu danbeyn dhaliyay in Maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo xaruntiisa rasmiga ah ee Dhuusamareeb


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads