Amaanka Muqdisho oo caawa aad loo adkeeyay iyo warar cabsi ah oo laamaha amaanka soo gaaray oo shegaayo

Ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay,iyadoo isgoysyada ugu muhiimsan ee magaalada lagu arkayo Ciidamada xasilinta oo feejigan.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska kaashanaya adkeynta AMNIGA inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,xilli Shabaab looga bartay iney kordhiyaan weerarada isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Isgoysyada Banaadir,KM4,Talleex,dabka,isgoyska Afarta jardiin,Jubba iyo Wadooyin muhiim ah ayaa lagu arkayaa Ciidamad Xasilinta kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka baaritaan adag ku sameynaya.

Ciidamadan oo dhawaan uu la dardaarmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dadka si wanaagsan ula dhaqmaya,waxayna u egyihiin Ciidamo dardaaran iyo tababar wanaagsan qaba.

Waa Habeenkii ugu danbeeyay ee Bisha Shacbaan,waxaana la dareemayaa jawi farxadeed oo Shacabka ay ku soo dhoweynayaan Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankooda ku fekeraya in dhibaato ka geystaan magaalooyinka qaar oo magaalada Muqdisho ay ku jirto,iyadoo Ciidamada Dowladda ay feejignaan ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here